WARARKA SOOMAALI

Taariikh Nololeedkii Dahabiga ahaa ee AHN. Wasiir Yaassiin Axmed Sulub.

Allah ha u naxariistee wasiirkii hore ee arimaha gudaha ee Khaatumo Yaasiin Ahmed Sulub oo ka mid ahaa dadka ugu magac weyn deegamada Khaatumo ayaan is dultaagi doonaa taariikhdiisii iyo aqoontii shakhsiyadeed ee aan u lahaa labadaba.

Yaasiin Ahmed Sulub wuxuu ku dhashay magaalada Buuhoodle sanadkii 1964, wuxuuna dugsiga Quraanka ka bilaabay isla magalaada Buuhoodle asagoo sidoo kalena dugsigii hoose dhexe ku bogtay Buuhoodle. Wuxuu dugsiga sare kaga baxay magaalada Burco gaar ahaan iskuulka caanka ah ee Shiikh Bashiir.

Marxuum Yassiin Ahmed Sulub.

Yaasiin ayaa markii uu iskuulka sare dhameeyey 1981 wuxuu aaday dalka Kuwait halkaasoo uu ka shaqaynayey, wuxuuna mudo ka dib u diga rogtay dalka Hindia, si uu u sii wato waxbarasho Jaamacadeed, wuxuuna bilaabay jaamacadda University of Hayderbad {UOH}, wuxuuna ka gaadhay heerka aqoonta sare{Master} asagoo taqaqusyadiisu kala ahaayeen Cilmiga maamulka dhaqaalaha{Business Administration } iyo sidoo kale Cilmiga Sayniska iyo siyaasadda}A Political Science }. Wuxuu jaamacadda soo afjaray sanadkii 1990 sanad uun ka hor markii dalka Soomaaliya burburay. Wuxuuna markii uu dalka ku soo noqday judhiiba la kulmay burburkii dalka, taasoo dhalisay inuu kolkale dalka ka dhoofo, wuxuuna dhamaadkii sanadkii 1994tii tegay dalka Briatian.

Wuxuu halkaas ka Aasaasay qoyskiisa ugu horeeyey, wuxuu sidoo kale ka noqday dalka Ingriiska intuu joogay Barre/ama Macalim Iskuul sare ah, asagoo in muddo ah macalim ka ahaa halkaas.

La jaanqaadkiisii siyaasadda.

Sanadkii 2009 ayuu ka mid noqday qurbajoog koobnayd oo ka soo jawaabay gogoshii shirkii Horseed ee lagu aasaasay hogaankii Midnimada iyo Badbaadada, asagoo Maalkiisa u soo huray inuu shirkaas ka qayb qaato, wuxuuna ka mid noqday 42dii xubnood ee duleedka Koonfureed ee Nairobi mudo todobaad ah oo ay ku shir sanaayeen ku doortay Hogaamiyihii hogaankii Badbaadada iyo Midnimada ee loo kala doortay Saleebaan Ciise Ahmed {Xaglatoosiye} iyo Col. Ali Sabaraye bishii October 3,2009kii.

Yaasiin ayaa tan iyo waxii maalintaas ka danbeeyey u ban-baxay taageerida iyo samata bixinta shacabka reer Khaatumo State, wuxuuna tegay gudaha deegaamada Khaatumo oo uu muddo ka badhitaarayey hogaankii SSC, shirkii labaad ee Khaatumo1, ee lagu qabtay magaalada London ayaa isagoo weli ku sugan Buuhoodle lagu darray xubnihii u gogol xaadhida shirweynihii Taleex, wuxuuna ka mid ahaa sadex xubnood oo qaban qaabada shirka ee gudaha loo magacaabay.

Waxii markaas ka danbeeyey wuxuu noqday ruuxii ugu abaabulka badnaa ee shirweynihii Khaatum2 ee Taleex, waxa lagu xasuustaa inuu si weyn isugu dubariday Ergooyinkii gudaha gaar ahaan kuwii G/Cayn. Maalintii Ergada G/Cayn Taleex soo galaysay waxa la moodayey Ceeriyaamo inay dhulka qabsatay ayadoo ku dhawaad 70 baabuur ku yimid madashii Taleex.

Waxyaalihii caanka ahaa waxa ka mid ahaa qaabkii uu shirka uga qaybqaatay, dedaalkii, juhdigii faraha badnaa iyo hawlkarnimadii hagar la’aaneed ee uu u muujiyey qabsoomida shirkaas iyo mideynta shacabkiisa oo uu uga soo googoostay noloshii UK.

Dhismihii maamulkii Khaatumo ee lagu midoobey, wuxu noqday wasiirkii arimaha gudaha ee Khaatumo, wuxuu aad uga shaqeeyey maamul fidinta asagoo Aasaasay golaha deegaanka ee Buuhoodle taageeroweyna ka helay qurbajoogta deegaanka. Wuxuu aad isugu dayey in shirkii Taleex ee Khaatumo3 ee la abaabuley qabsoomo, waxana arintaas ka hor yimid laba ka mid ahaa golihii madaxtooyada Khaatumo oo gacan ka helayey Puntland taasoo ku danbeysay faragelintii ciidamada puntland ku sameeyeen magaalada Taleex ee taariikhiga ah. Sidoo kale wuxuu xaadir u ahaa weeraradii gardarada ahaa ee maamulka Somaliland ku soo hujuumey Buuhoodle oo uusan marna kaga tegin dadkiisa dhibtaadiina uu ahaa nin la qaybsaday.

Maamulkii danbe ee Saaxdheer lagu dhisay wuxuu isku soo sharaxay jagadda Madaxweynenimada Khaatumo, ka hor intuusan mardanbe ka tanaasulin, golihii wasiirada ee Madaxweyne Ali Khaliif ayuu ka cudurdaartay, asagoo markaas ka dibna dib ugu noqday Britain si uu u soo dhugto Caruurtii iyo qoyskiisii.

Dabcigii iyo aqoontaydii shakhsiyadiisa.

Allah ha u naxariisto Yaasiin Ahmed Sulub, wuxuu caan ku ahaa, Afgaabni, xishood, dhawrsanaan iyo dhisnaan akhlaaqeed, waxaanu isku baranay shirkii Horseed ee SSC Nairobi oo aanu ka wada mid ahayn xubnihii Ergada ahaa ee 42 ruux ahaa. Wuxuu ahaa nin saaxibul salaad ah, iska dhawra Eedaha , wuxuu ahaa nin aan dhaleecayn qof kale, markastana jecel in waxii Danta guud ah qofkastaa qabto kaalintiisa balse aan lagu Riixin cid kale. Dhamaan waxaanu wada joogney shirarkan iyo weliba dhacdooyinkii kale, waxaan ku xasuustaa inuu ahaa ruux mas’uuliyad, aqoon , xishood iyo aragti dheeraan isku dheelitiran lahaa.

Wuxuu ahaa siyaasiyiinta farakutiriska ah ee ka madhnaa qabyaalada Soomaali dhexdeeda iyo tan deegaanka oo ah arinta ugu weyn ee inta badan caqabadda ku ah wadajirka umadda reer SSC.

Wuxuu hada u jeestay dhanka ganacsiga, asgaoo mashaariicyo ka waday kuna lahaa deegaamo badan sida Buuhoodle , Jigjiga iyo Diridawa oo hada uu warshad ka furay, wuxuu sidoo kale xafiis ku lahaa dalka China.

Ugu danbeyntiina  sabtidii ayuu ku xijaabtay magaalada Diri-dawa ee dalka Ethiopia , ayadoo aysan jirin xanuun uu la ildarnaa oo lagu ogaa, wuxuu ka tagay sagaal caruur ah, shan wiil iyo afar gabdhood. Geeridiisana waxa si weyn u dareemay shucuubta reer SSC Dal iyo debedba, ayadoo uu ahaa halgamaa dhab ah oo weydaartay umadd aad u jecel xiligan Adag.

Laba daraallana waxay aniga igu tahay geeri tiiraanyo leh, waxaanse keliya oo awoodaa inaan Eebihii lahaa ee qaatay loona wada noqon doono uga martiyo anigoo daciif ah oo dartiis u dulaysan inuu Naxariistiisa janno siiyo Yaasiin, Kitaabkiisana midigta uga dhiibo, su’aalaha qabrina ku sugo kuwa xaqqa ah. Tacsina waxaan gaadhsiinayaa caruurta, qoyska iyo intii jaclayd idilkoodba. Waxaana maanta Saaliso ah lagu Aasay magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia.

S Hashi Dheere

[email protected]

 

SOMALI NEWS

To Top