WARARKA SOOMAALI

Dhacdo Naxdin leh: Haweeneydii uu Ninkeeda gubay oo geeriyootay

Waxaa isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho aroortii hore ee saaka ku geeriyootay Luul Cabdicasiis oo aheyd Haweeney dhawaan uu Ninkeeda ku gubay gurigii ay ka deganaayeen degmada Dharkeenley gaar ahaan xaafadda dabakaayo madow.

Qaar kamid ah qoyska Luul Cabdicasiis ayaa xaqiijiyay geerida Marxuumada oo u dhimatay dhaawac halis ahaa oo kasoo gaaray dabkii uu qabadsiiyay Ninkii qabay, waxaana maalmihii lasoo dhaafay xaalad caafimaad ay ugu jirtay isbitaalka Digfeer.

Dhakhaatiirta Caafimaadka ayaa laga soo xigtay in Luul Cabdicasiis dhaawaca kasoo gaaray dabka uu ahaa mid aan dalka gudihiisa waxba looga qaban karin, balse aroortii hore ee Maanta oo jimco ayey geeriyootay Luul oo laheyd Uur.

Laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku raadjooga oo doonaya inay gacanta kusoo dhigaan Ninkii gubay xaaskiisa, kaasi oo markii uu falka geystay si deg deg ah u baxsaday, sababta keentay dabka ayaana lagu sheegay inay tahay mid la xiriirta Maseyr dartiis.

Dhacdooyinkan naxdinta leh ee noocaan oo kale ah ayaa kusoo kordhaya dhulka Soomaalida oo aanan horay looga baran iney ka dhacaan.

Dhacdo Naxdin leh: Haweeneydii uu Ninkeeda gubay oo geeriyootay
To Top