WARARKA SOOMAALI

Duqeyn lagu Burburiyey Xaruntii Keydka Hubka AS ee Galgaduud

Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka, ciidanka Hay’ada Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA iyo Saaxiibada caalamka ayaa ka dhacay deegaannada kala Jacar iyo Garab la’ oo ka tirsan gobalka Galgaduud.

Qoraal lagu daabacay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu sheegay in howlgalka koowaad lagu burburiyey Xarun keyd hub u ahayd Al-Shabaab, halka midka labaad lagu beegsaday Garaash la tilmaamay in Shabaab ay u yaaleen gadiid tiro badan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa intaas kusii daray inay Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay kasii socon doonaan howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana ay doonayaan in Shabaab laga saaro halkaasi.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli maalmo kahor weeraro dhinaca cirka ah lagu qaaday degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud, halkaas oo iyana lagu bur buriyay xarumo Al Shabaab lahaayeen iyo idaacadii kooxdaasi afkooda ku hadli jirtay.

Duqeyn lagu Burburiyey Xaruntii Keydka Hubka AS ee Galgaduud
To Top