WARARKA SOOMAALI

Sheekh Shariif oo ka hadlay Shirka gogosha ee uu fidiyay Deni

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay Shirka gogosha wadahadalka siyaasadeed ah ee uu Madaxda Soomaalida u fidiyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Sheekh Shariif oo Qoraal soo saaray ayaa waxa uu kusoo dhaweeyay Shirka gogosha ee uu fidiyay Madaxweyne Deni, xilligaan oo uu xusay Shariifka in uu dalku waajahaayo xaalado culus, isla markaana loo baahan yahay in looga baxo midnimo iyo wadajir.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in dhowr xaaladooda uu wajahayo dalka oo ay ugu muhiimsanyihiin; amniga, arrimaha dastuurka, qaab dhismeedka doowladnimada, midnimada iyo madax bannaanida oo u baahan wada tashi iyo wada shaqeyn.

“Waxaan rajaynaynaa in gogoshaas qabsoomi doonto, madaxda ka soo qayb gashana ka soo saari doonto go’aanno dhaxal gal ah oo dan u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed” ayuu ku yiri Qoraalka uu soo saaray Sheekh Shariif Sh Axmed.

Gogosha fidsan magaalada Garawe ayaa lagu casuumay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood, waxaan gogoshaasi looga hadli doonaa khilaafka siyaasadeed ee xilligan jira.

Sheekh Shariif oo ka hadlay Shirka gogosha ee uu fidiyay Deni
To Top