WARARKA SOOMAALI

Dad shacab ah oo lagu xasuuqay Mudug & Wararkii ugu danbeeyay

Rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ayaa xalay Weerar ku qaaday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay agagaarka deegaanka Saaxo ee Gobolka Muudg, Weerarka ayaana dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyoo dhaawac oo gaaray dadka.

Inta la xaqiijiyay illaa 5 qof ayaa lagu dilay Weerarkii lagu qaaday dadka ee ka dhacay agagaarka deegaanka Saaxo , halka ay ku dhaawacmeen 6 qof kale , waxaana dadka waxyeelada gaartay u badnaa dad isku qoys ah.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay inay ka xun yihiin falka lagu laayay dadkii saarnaa gaariga oo ay ku jireen 11 qof oo hal qoys ahaa, kuwaasi oo dhammaantood dhintay.

“Waxa xanuunka leh labada arrimood weeye mar waa hal qoys dadka halkaas lagu laayay 11 qof oo isku guri ah ayay ahaayeen 5 waa dhimatay nin iyo xaaskiis, walaashiis, wiil uu abti u yahay iyo wiil kale oo uu adeer u yahay” ayuu yiri Faysal Sheekh Cali.

Wuxuu intaas kusii daray Guddoomiye Faysal Sheekh Cali in ciidanka amniga Maamulka ay wadaan howlgalo ballaaran oo lagu soo qabanayo maleeshiyaadkii hubeysnaa ee Weerarka foosha xun ku laayay dad shacab ah oo safar ahaa.

Si kastaba, dhawaan ayey aheyd markii sidaan oo kale Weerar lagu dilay badan oo shacab ah uu ka dhacay Gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in deegaannada Galmudug ay kusoo laab-laabteen Weerarada ay geysanayaan maleeshiyo beeleedka.

Dad shacab ah oo lagu xasuuqay Mudug & Wararkii ugu danbeeyay
To Top