WARARKA SOOMAALI

Ciidamada Itoobiya oo baneeyay Xero ciidan oo ku taalla Kismaayo

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland Gen. Yuusf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo uu weheliyo Taliyaha Qaybta 43-aad Gen Cali Maxamed Maxamuud Bagmadoow ayaa Ciidanka ATMIS kala wareegay Xerada ma dhamaato ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Xeradaan ma dhamaato oo sanooyin badan ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee ATMIS gaar ahaan kuwa ka socday Itoobiya ayaa waxaa wareejiyay Taliyaha Qeybta Lixaad ee ATMIS Gen. Lucas Kutto

Xeradan Ciidan ayaa ka mid ah xerooyin dhowr ahoo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay kala wareegeen ciidanka ATMIS, iyadoo la qorsheynayo dhamaadka Sanadkan ineey guud ahaan dalka isaga baxaan ciidanka nabad ilaalinta u joogo.

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku jira dagaalka dalka looga ciribtirayo Al-shabaab ayaa dhanka kale wada dadaalo lagu hananayo amaanka guud ee dalka.

Ciidamada Itoobiya oo baneeyay Xero ciidan oo ku taalla Kismaayo
To Top