WARARKA SOOMAALI

Warshadii Qaraxyada AS & Idaacad ay lahaayeen oo Duqeyn lagu Burburiyey

Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu soo warramayaa inay waaberigii hore ee saaka oo khamiis ah ay ka dhacday magaalada Gal-hareeri ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay Xarumo waaweyn ku leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in duqeynta diyaaradeed oo ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones lala beegsaday Xarumo ay lahaayeen Shabaab oo ku yaallay magaalada Gal-hareeri, waxaana la tilmaamay in weerarka uu ka dhashay khasaaro.

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo ah Wasiir ku-xigeenka Wwasaaradda Warfaafinta Soomaaliya,  oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyay in howlgalkaasi, isaga oo sheegay in lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, laguna dilay xubno fara badan.

Wasiir Al-Cadaala ayaa intaas kusii daray qoraalkiisa in howlgalkan lagu burburiyay warshad lagu far-sameeyo qaraxyada oo ay lahayd kooxda iyo xarunta Idaacadda Andalus, waa sida sida uu hadalka u dhigay.

“Gal-hareeri waxaa ka dhacay hawlgal barakaysan, Shabaab badan waa la laayay, xarumo ay ku jiraan Idaacad iyo Warshad lagu sameeyo qaraxyadana waa la burburiyay, alle ayaa ku mahadsan” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada dhexe ka socday guluf culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.

Warshadii Qaraxyada AS & Idaacad ay lahaayeen oo Duqeyn lagu Burburiyey
To Top