WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo Maanta kusii jeeda Garoowe, xilli weli uu jiro Khilaafka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ee Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Garoowe uga qeyb galaya Munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo mar kale dib loogu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Puntland, kadib doorashadii 8-dii bishaan Janaayo dhacday.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo u warramay BBC-da ayaa u sheegay in Madaxda lagu casuumay Munaasabadda caleemo-saarka Deni uu kamid yahay Madaxweynaha dowladda Federaalka, isla markaana uu ka qeybgalayo.

Wuxuu tilmaamay Wasiirka in wafdi hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh ay saakay gaareen magaalada Garoowe, lana sugayo Madaxweynaha oo ay haatan qaban-qaabadiisa ka socoto Garoonka diyaaradaha Jen. Maxamed Abshir ee magaaladaasi.

Madaxda maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo SSC-Khaatumo ayaa ku sugan Garoowe, sidoo kalena waxaa halkaasi jooga caleemo-saarka Deni ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka, siyaasiyiin, Wakiilo caalami iyo mas’uuliyiin farabadan.

Munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Maanta oo khamiis ah  ka dhaceysa caasimadda Garoowe,

Xasan Sheekh oo Maanta kusii jeeda Garoowe, xilli weli uu jiro Khilaafka
To Top