WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta ka hortagaya qorshaha Xasan Sheekh

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saakay yeelanaya kulan xasaasi ah oo la filayo in wax looga bededlo Dastuurka KMG ee dalka lagu maamulayay sannadihii lasoo dhaafay.

Ajandaha kulanka maanta ayaa xildhibaanada lagu wargaliyay in uu yahay aqrinta 3-aad & u codaynta ama ansixinta habraaca wax ka beddalka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka u yaalla.

Xildhibaano badan ayaa durba gaaray xarunta KMG ee golaha shacabka ku shiraan, waxaana la filayaa in goordhaw kulanka wadajirka ee xildhibaanada labada Aqal uu si rasmi ah u furmo.

Sida aan wararka ku helnay kulanka maanta ayaa loo diiday in ay galaan soona tabiyaan warbaahinta qaar, waxaana jira cabsi laga qabo in kulanka uu hareeyo fowdo, maadaama ay jiraan xildhibaano badan oo kasoo horjeeda wax ka beddelka Dastuurka.

Ciidamada ammaanka ee ku sugan xarunta golaha shacabka ku shiraan ayaana saakay la kordhiyay, waxaana ka go’an madaxtooyada Soomaaliya iyo xildhibaanada taageersan meel marinta wax ka beddelka Dastuiurka KMG.

Dastuurka dalka hadda u degsan ayaana dhigaya in dalka leeyahay Madaxweyne iyo Ra’isul Wasaare, balse madaxtooyada ayaa rabta in qodobkaasi la bedelo lagana dhigo in dalka yeesho Madaxweyne iyo kuxugeenkiisa, meeshana laga saaro xilka Ra’isul Wasaaraha.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta ka hortagaya qorshaha Xasan Sheekh
To Top