WARARKA SOOMAALI

Al-Shabaab oo Weerar Qaraxyo ku qaaday Caad iyo Wararkii ugu danbeeyay

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhig ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dawaariishta Maamulka Galmudug ay ku leeyihiin deegaanka Caada oo ka tirsan gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu dhacay dagaal culus oo ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanka, isla markaana dhinacyada ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa jira.

Dhinaca  kale, Saraakiil ka tirsan Ciidanka dawlada ayaa warbaahinta Dawlada u sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayla hortageen  weerarka al-Shabaab ay soo qaadeen saaka, ayna iska difaaceen , balse ma jirto cid kale oo ka madax bannaan dowladda oo sheegashadaas xaqiijineysa.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa magaalada Caad oo kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee la xoreeyay.

Al-Shabaab oo Weerar Qaraxyo ku qaaday Caad iyo Wararkii ugu danbeeyay
To Top