WARARKA SOOMAALI

Puntland oo shaacisay Madaxda lagu casuumay Caleemo-saarka Deni

Wasiirka Warfaafinta dowlad Goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka Warbixiyay Madaxda lagu casuumay caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo 25-ka bishaan ka dhaceysa magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Wasiir Maxamuud Caydiid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in caleemo-saarka Madaxweyne Deni lagu casuumay Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana uu aqbalay inuu kasoo qeyb galo Munaasabadda.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in Xukuumadda Puntland ay casuumaad u dirtay dhammaan Madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada Golle ee dowladda Federaalka oo socdaalka ku wehlin doona Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Madaxda Federaalka, madaxweynuhu waa ku casuman yahay caleema-saarka, waana uu aqbalay, maamul goboleedada dhammaantood waa la casumay, qof shaqadu u saamixi waydo oo hawl ka soo gasho mooyaane” ayuu yiri wasiir Caydiid.

Munaasabadda caleema-saarka oo sidoo kale ay ka qayb-galayaan siyaasiyiin madax-bannaan iyo wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto Khamiista Todobaadkan oo ku beegan 25 Jan.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa 8-dii bishaan Janaayo 2023 mar kale dib loogu doortay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland, halka Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaasi loo doortay Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Puntland oo shaacisay Madaxda lagu casuumay Caleemo-saarka Deni
To Top