WARARKA SOOMAALI

Wasiirkii la la’aan ee Cabdirashiid Janan oo la helay & Xogtiisa

Wasiirkii hore ee amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo muddo todobaadyo lagu la’aan nolal iyo Geeri ayaa la shaaciyay in nolal lagu helay, kadib markii lagu waayay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan oo ah Wasiirka amniga Jubbaland oo la hadlay mid kamid ah Telefashinada ku hadla Afka Soomaaliga ayaa xaqiijiyay in Cabdirashiid Janan uu dib u helay xorriyadiisa, isla markaana xalay uu yimid hoygiisa Nairobi .

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu xirnaa, isla markaana ay 10 maalin kahor kaxeysteen rag aan la aqoosan waxa ay yihiin, sidaasina loogu waayay nolal iyo Geeri.

Wasiir hore Janan iyo qoyskiisa ayaan weli ka hadal xarigiisa, balse waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ka hadlaan falka lagu xiray Wasiirkii hore ee amniga dowlad Goboleedka Jubbaland oo haatan ku sugan hoyga uu ka dagan yahay Nairobi.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in in la dilay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, taasoo walaac weyn ku dhalisay ehedala iyo Xildibannada kasoo jeeda Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland.

Wasiirkii la la’aan ee Cabdirashiid Janan oo la helay & Xogtiisa
To Top