WARARKA SOOMAALI

Diyaaradii DFS ka celisay Hawada oo Maanta ka degtay Magaalada Hargeysa

Diyaaradda siday xamuulka ee labo maalin ka hor dowladda Federaalka Soomaaliya ka hor istaagay inay ka degto garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee Maanta oo sabti ah ka dagtay Hargeysa.

Diyaaraddan ku diwaangashan P4-JAG, lagana leeyahay dalka Thailand, tirsiga duulimaadkeeduna ahaa JAG1318 ayaa caga dhigatay Garoonka Cigaal ee Hargeysa, waxaana la sheegay inay sidday xamuul (Cargo).

Wararka la helayo ayaa sheegaya in diyaaraddan kasoo duushay magaalada Sharjah ee dalka Imaaraadka Carabta, kadibna ay dib ugu laabatay magaaladaasi, ka gadaal markii ku dhawaad hal saac ay joogtay Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

2 maalin kahor ayey aheyd markii dawladda Federaalka Soomaaliya ay hawada dib uga celisay diyaarada ka diiwaangashan dalka Thailand, taasi oo diiday inay faahfaahin ka bixso agabyada ay wado, kal hore 13kii bishan ayay diyaaradan agabyo xamuul ah geysay Hargeysa, kuwaas oo aan tafaasiil laga heynin.

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaan weli ka hadal diyaarada saakay ka dagtay aroonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Diyaaradii DFS ka celisay Hawada oo Maanta ka degtay Magaalada Hargeysa
To Top