WARARKA SOOMAALI

Xogta safarka Xasan Sheekh uu ku tagay Magaalada Qaahira

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka ambabaxay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa xalay gaaray magaalada Qaahida ee dalka Masar, halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Masar Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi, waxaana labada Madaxweyne ay yeelan doonaan kulamo looga hadlayo arrimo dhowr ah oo ku aadan gobolka.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab.

Casuumadda uu madaxweynaha Masar u fidiyay madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya , kaddib khilaaf xooggan oo soo kala dhax galay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaa oo ka dhashay heshiiskii Adis Ababa ka dhacay.

Masar ayaana kamid aheyd dowladaha Soomaaliya sida weyn taageerada ugu muujiyay kana hor-yimid heshiiskii ka dhacay magaalada Adis Ababa , kaa oo madaxweynaha Somaliland Itoobiya ku siiyay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Xogta safarka Xasan Sheekh uu ku tagay Magaalada Qaahira
To Top