WARARKA SOOMAALI

QM oo War kasoo saartay Diyaarad ay leeyihiin oo AS gacanta u gashay

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ee Helikopter-ka oo ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa gelinkii dambe ee maalintii shalay Arbacada ku dagtay deegaanka Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galguduud, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab

Wararka la helayo ayaa sheegaya in diyaarada ay saarnaayeen illaa 8 ruux oo u badnaa Ajaanib, waxaana la sheegay in diyaarad oo kusii jeeday deegaanka Wisil ay ku dagtay Xiindheere, isla markaana ay u gacan gashay Al-Shabaabkii halkaasi ku sugnaa.

Diyaarada ayaa sidoo kale siday saad hub ah iyo daawooyin oo ay u waday ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaa kuwa jooga furimaha dagaalka Galgaduud, sida uu ku warramay wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe

Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray diyaarada u gacan gashay Shabaab, taasi oo markii hore ka baxday Muqdisho, kadibna tagtay Baladweyne, ugana sii gudubtay Wisil, balse inta aysan gaarin ay ku dagtay  Xiindheere.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen in kooxda Al-Shabaab ay gubtay diyaaradda. Dhan kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

QM oo War kasoo saartay Diyaarad ay leeyihiin oo AS gacanta u gashay
To Top