WARARKA SOOMAALI

Xuutiyiinta oo Weerar culus la beegsatay Markab Mareykanka leeyahay

Afhayeenka Ciiddanka Kooxda Xuutiyiinta Yemen, Jeneral Yaxya Sareec ayaa faahfaahin ka bixiyey Duqeyn Ballaaran oo ay la beegsadeen Markab Dagaal oo ay Milliteriga Maraykanka leeyihiin oo gelbinayey Maraakiib Ganacsi oo ku sii jeeday Dekedaha dhulalka Falastiin ee ay Israel xooga ku haystaan.

Afhayeenka ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday inuu weerarkaasi ahaa kii ugu baaxada ballaarnaa, tan iyo markii ay Milliteriga Xuutiyiinta bilaabeen Hawlgallada ay ka wadaan Badda Cas iyo tan Carbeed.

Jeneral Yaxya Sareec ayaa waxa uu tilmaamay inay sii wadi doonaan Hawlgalladaasi, tan iyo inta laga joojinayo Colaadaha ay Milliteriga Israel ku hayaan Deegaanada Marinka Qasa ee Falastiin.

Dhanka kale, Taliska Dhexe ee Ciiddanka Maraykanka ee CENTCOM waxay ka hadleen Duqeymahaasi, iyagoo xaqiijiyey inuu weerarkaasi ahaa mid culus oo bilowday xalay abaarihii 09:15 daqiiqo ee xilliga Yemen.

Ciiddanka Badda ee Maraykanka iyo kuwa UK Royal Navy ee ku sugan Badda Cas waxay si wadajir ah u sheegeen inay fashiliyeen Duqeymihii Kooxda Xuutiyiinta, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Xuutiyiinta oo Weerar culus la beegsatay Markab Mareykanka leeyahay
To Top