WARARKA SOOMAALI

Dibadbixii ugu ballaarnaa oo Maanta ka dhacaya Muqdisho & Jidadka oo…

Banaanbax ballaaran oo looga horjeedo damaca dowladda Itoobiya ee heshiiskii dhawaan loogu saxiixay badda ayaa Maanta ka dhacaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaasi oo haatan qaban-qaabadiisa ay ka socoto Muqdisho.

Kummanaan dadweyne ah iyo shaqaalaha dowladda ayaa isku diyaarinaya inay ka qeyb galaan banaanbaxa oo ah mid weyn abaabulkiisa Guddi loo xil saaray , isla markaana shacabka ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedan heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la gashey Somaliland.

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa waxaa goobo fagaare ah kula hadli doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale iyo mas’uuliyiin kale oo kamid ah dowladda.

Ciidamada ammaanka ayaana saakay si weyn u adkeeyay ammaanka goobaha la filayo in ay ka dhacaan bannaan-baxa, waxa ayna ciidamada gabi ahaan xireen oo gaadiidka u diidayaan waddooyinka soo gala goobaha ay dibad-baxyada ka dhacayaan.

Bannaan-baxa ayaana dowladda ujeedkkiisa ku sheegtay in uu yahay diidmada gardarada Itoobiya oo heshiis is afgarad xaaraan ah lagashay Soomaaliland, kaasi oo ah damac baalmarsan gobonimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, Qaraarada Gobolka iyo Qaanuunka caalamiga ah.

Dibadbixii ugu ballaarnaa oo Maanta ka dhacaya Muqdisho & Jidadka oo…
To Top