WARARKA SOOMAALI

Ninkii gubay Xaaskiisa oo Muqdisho ka baxsaday & Booliska oo War soo saaray

Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saaray kiiska gabadhii geeriyootay ee dhawaan Ninkii qabay uu ku gubay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Dabakayo madow ee degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Qoraal uu soo saaray Taliska Booliska dowladda ayaa waxaa lagu sheegay inuu baxsaday eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo 26 Jan 2024 gubay xaaskii uu qabay ee Marxuumad Luul Shiikh Cabdi Jaziira, taasi oo shalay ku dhimatay Muqdisho.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday inay eedeysanaha ka baadi goobayaan Caasimada iyo Gobolada dalka, halkaasi oo Booliska tilmaamay inuu u baxsaday Sayid-cali Macalin oo si arxan darro ah u dilay, una gubay Marxuumad Luul Shiikh oo Uur laheyd.

“Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu 26 Jan 2024 gubay xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi Jaziira, isla markaana baxsaday. Baadi goobka eedeysanaha ayaa ka socda Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inuu u baxsaday” ayaa lagu yiri Warka uu soo saaray Taliska.

Sidoo kale hay’addaha amniga dowladda Federaalka ayaa shacabka kunool caasimadda Muqdisho iyo dowlad Goboleedyada ka dalbaday inay xogta eedeysanaha lasoo wadaan  barta Ciidanka Amaanka ee ugu dhow, si gacanta lagu soo dhigo, una  maro cadaalada.

Ninkii gubay Xaaskiisa oo Muqdisho ka baxsaday & Booliska oo War soo saaray
To Top