WARARKA SOOMAALI

Ciidamo Weeraray guriga Xildhibaan ka tirsan BF & Khasaaro ka dhashay

Faah faahino ayaa laga helayaa dagaal Maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho guriga uu degmada Kaaraan ka dagan yahay xildhibaan katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

ciidamo isugu jira booliiska iyo kuwa xasillinta ayaa weerar ku qaaday guriga xildhibaan Cismaan Xaadoole, kaddib markii ay halkaasi galeen kooxo la sheegay in ay dambiilayaan ahaayeen ayna kudaba jireen ciidamada ammaanka.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa ilaalada ka ah guriga xildhibaan Xaadoole ayaa wali socda, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ay jiraan khasaarooyin labada dhinac kasoo gaaray .

Inta uu socday dagaalka ayaa waxaa gurmad ciidan helay ciidanka ilaalada u ahaa Xildhibaan Cismaan Xaadoole, wallow markii dambe uu dagaalka oo muddo socday uu si iskiis ah u istaagay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda Federaalka iyo Xildhibaan Cismaan Xaadoolle, oo ay uga hadlayaan dagaalkii Maanta ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo Weeraray guriga Xildhibaan ka tirsan BF & Khasaaro ka dhashay
To Top