WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay Rag hubeysan oo Burcad-badeed ah

Howlgal uu horkacayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Raasi Casayr ee Puntland G/sare Fu’aad Maxamud Xussen ayaa laga sameeyay deegaanada dhurbo, Biyo Kulule, iyo God-deexeed hawlgalkas oo ay fuliyeen Ciidamada Booliska Gobolka Raas caseyr oo kaashanaya Ciidamadda Ilaalada Badda PMPF ayey ku soo qab-qabteen koox burcad badeed ah.

Kooxdan Burcad Badeedka ah oo ay Ciidamada Booliska ku raad joogeen ayaa ku hubaysanaa hubka noocyadiisa kala duwan sida RPG, PKM Hubka Fudud iyo Saanad Shidaaloo dhan inka Badan 21-Lixdanle oo shidaal iyo Rasaas ah.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Raas Casayr G/sare Fu’aad Mohamoud Hussain oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in Saddex qof falka lagu soo qabtay wuxuuna intaas ku daray in la hor geeyn doono sharciga

Ciidamada gobolka Raasi Casayr ayaa ku raad joogaa Burcad Badeeda Falalka amni daro ka wadda Xeebaha Gobolka Raas casayr iyo cidkasta oo amniga Gobolka carqaladaynaysa in ay ku qabtaan gacan adag.

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay Rag hubeysan oo Burcad-badeed ah
To Top