WARARKA SOOMAALI

Xuutiyiinta Yemen oo laga cabsi qabo inay jaraan Internet-ka Somalia

Waxaa isasoo taraya walaaca dunidu ka qabto weerar ka yimaada dhanka Xuutiyiinta Yemen kaasoo lagu beegsanayo fiilooyinka internetka sida ee mara gunta hoose ee badda Cas.

Hadii talaabadaasi ay ku dhaqaaqaan dalalka intenetku ka wada go’aayao waxaa ku jira Soomaaliya inkastoo dalal badan ay la qabaan.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Yemen  ayaa walaacaan muujiyay isagoo sheegay inay suurtagal tahay inay kooxda xuutiyiintu qaadaan weerar ay ku jarayaan Internetka mara Badda Cas.

Cabsida laga qabo arintaan ayaa timid kadjb markii kooxda xuutiyiintu barahooda bulshada ku faafiyeen sawirro muujinaya qariidada filooyinka internetka ee mara badda cas iyo gacanka cadmed.

Wasiirka warfaafinta Somalia ayaa mar uu soo hadal qaaday walaaca arintaani la xiriira ayuu daboolka ka qaaday inaysan la ahayn isaga  in xuutiyiintu ku dhiiran karaan talaabo ay ku jarayaan internetka dunida qeyb ka mida.

Xuutiyiinta Yemen oo laga cabsi qabo inay jaraan Internet-ka Somalia
To Top