WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Qarax khasaaro dhaliyay oo Goor dhow ka dhacay Boosaaso

Faah faaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Saaka ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana lasoo sheegayaa inuu khasaare ka dhashay Qaraxaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Qarax lala-beegsaday sarkaal ka tirsan Booliska Puntland, kaasi oo dhaawacmay, sida ay sheegayaan wararka.

Taliyaha saldhiga degmada Carmo, Axmed Koboc iyo qaar kamid ah ilaaladiisa ayaana ku dhaawacmay qaraxaasi, kaasi oo la gula eegtey X-kaantarool ee magaalada Boosaaso.

Sarkaalka la beegsaday iyo Ciidamo uu watay ayaa kusii jeeday Boosaaso, waxaana Qaraxaasi uu dhacay,  xilli uu sii geleyey magaalada oo ammaankeeda dowladda lagu dhaliilayo.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Maamulka Puntland ayaa dhaawanahan noqotay mid ammaankeedu uu marba marka kadambeysa uu soo xumaanayo, hay’adaha ammaanak ayaa dhawr jeer sheegay inay wax ka qaban doonaan falalkaasi lidka ku aha ammaanka guud.

DEG DEG: Qarax khasaaro dhaliyay oo Goor dhow ka dhacay Boosaaso
To Top