WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Haweeney si arxan darro ah loogu dilay Galgaduud

Koox hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa xalay gudaha magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ku dilay Haweeney kamid aheyd dadka deegaanka magaalada, taasi oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee jiray Foos Aadan Nuur.

Dilka loo geystay Foos ayaa ka dhacay xaafadda Ubax ee Caabudwaaq, waxaana rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkeeda, xilli ay kusii jeeday hoygeeda, wadadana ay u galeen dableyda, sida ay kusoo warrameen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray kadib dhacdada, balse kuma guuleysan inay soo qabtaan raggaasi oo goobta ka cararay.

Caabudwaaq ayaa waxaa horay uga dhacayay dilal qorsheysan, kuwaas oo inta badan salka ku haya dhacdooyin aano qabiil oo ka jira halkaasi.

Dilka haweeneydan ayaa kusoo aadayo, xilli magaalooyin kale oo ku yaalla dalka lagu dilay gabdho Soomaaliyeed, taas oo walaac ku abuurtay guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Wararkii ugu danbeeyay Haweeney si arxan darro ah loogu dilay Galgaduud
To Top