WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Dhacdo Naxdin leh Haweeney Ninkeeda Ceeji ku dishay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Haweeney duhurnimadii Maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenley ku dishay ninkeeda oo ahaa Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ee kunool kaamka loo yaqaan Badbaado oo uu falka ka dhacay oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in Ninka ay dishay haweeney uu maalmo kahor la aqal galay, isla markaana ay isqabeen oo kaliya saddex maalin.

Haweeneyda ayaa sida la tilmaamay ninkeeda wax ugu dartay cunto uu cunayay, kadibna markii uu suuxay qoorta xariga u galisay, kuna ceejisay ilaa inta uu ka dhintay, ninka ayaana awoodi waayay in uu iska bad baadiyo dhagarta xaaskiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta lagu dilay Ninka, isla markaana halkaasi ka qaaday meydka, iyagoona geeyay Xarunta CID-da, sidoo kalena waxaa ay gacanta ku dhigeen haweeneyda falka geysatay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Dhacdooyinka aadka looga argagaxo ee ka dhax dhacaya qoysaska Soomaaliyeed ayaa maalmahan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, Dilkan ayaa noqonaya kii saddexaad oo maalmo gudahood ka dhaca qeybo kamid ah dalka, dhowr maalin kahor nin ayaa xaaskiisa gubay sidaasna ugu geeriyootay Muqdisho,

DAAWO: Dhacdo Naxdin leh Haweeney Ninkeeda Ceeji ku dishay Muqdisho
To Top