WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Mudug

Waxaa saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa deegaanka Jiic-boor ee galbeedka Gobolka Mudug, halkaasi oo uu shalay oo jimco aheyd uu ka dhacay dagaal khasaaro dhaliyay oo dhexmaray maleeshiyo beeleed kasoo kala jeeda deegaannada Galdogob iyo Bandiiradley.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dagaalamay ay wadaan hub uruursi, isla markaana mar kale laga cabsi qabo inuu deegaanka Jiic-boor ee Gobolka Mudug ka dhaco dagaal kale oo dhinacyada dhexmara, maadaama weli la is hor-fadhiyo.

In ka badan 20 ruux oo ka kooban dhinacyadii shalay dagaallamay ayaa ku dhintay dagaalkii dhacay oo ahaa aad u xooggan, halka dad kor u dhaafaya 40 ruux ay sidoo kale ku dhaawacmeen dagaalka oo saacado badan socday, la iskuna adeegsaday hubka culus.

Dagaalkan ayaa markii hore bilowday, kadib markii maleeshiyaad ka yimid dhinaca deegaanka Bandiiradley ay afduubteen haweeney iyo carruur ay dhashay oo ka soo jeeda degaanka Galdogob ee Gobolka Mudug.

Si kastaba, deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa marar badan sidan oo ka dhacay dagaal beeleedyo dhaliyay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac leh, sidoo kalena waxaa ka dhacay dilal iyo weeraro salka ku haaya aanooyin qabiil.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Mudug
To Top