WARARKA SOOMAALI

Howlgal lagu raadinayo Hooyo iyo Wiilasheeda dilay Aabe oo bilowday

Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saaray dhacdo Argagax leh oo maalintii shalay oo jimco aheyd ka dhacday degmada Kaaraan, kadib markii laba wiil iyo Hooyadood ay dileen aabihii qoyska.

Qoraal ay soo saareen Taliska ciidanka ayaa lagu sheegay in laamaha ammaanka ay wadaan howlgal ay ku raadinayaan Eedeysaneyaasha kala ah Ruqiyo Axmed Cabdulle, Kamaal Aweys Maxamed iyo Cabaas Salaad Shaandi oo ku eedeysan inay 09 feb 2024 mindi ku dileen Marxuum Ibraahim Xasan Cabdi.

Allaha u naxariistee Ibraahim Xasan ayaa ahaa Ninkii qabay ruqiyo ilmahana adeer u ahaa oo uu soo koriyay, ayna dhashay naagtiisa oo ah mida hada wax ka dishay marxuumka, kuwaasi oo baxsaday falka kadib.

Taliska Booliska ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka ay wadaan howlgalo ay eedeysanayaasha kaga raadinayaan gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inu ay u baxsadeen.

“Eedeysaneyaasha kala ah 1. Ruqiyo Axmed Cabdulle 2. Kamaal Aweys Maxamed 3. Cabaas Salaad Shaandi  oo ku eedeysan in ay 09 feb 2024 mindi ku dileen  Marxuum Ibraahim Xasan Cabdi  oo ahaa ninkii qabay ruqiyo ilmahana adeer u ahaa uu soo koriyay ayna dhashay naagtiisa oo ah mida hada wax ka dishay marxuumka, isla markaana baxsadeen.” Yaaa lagu yiri Qoraalka Booliska.

Si kastaba, ciidanka ammaanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maalmo kahor gacanta ugu soo dhigay eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud oo Muqdisho ka baxsaday, kadib markii uu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo xaamilo ahayd.

Howlgal lagu raadinayo Hooyo iyo Wiilasheeda dilay Aabe oo bilowday
To Top