WARARKA SOOMAALI

Sheekh Shariif, Xasan Kheyre & CC Shakuur oo Digniin u diray Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdirashakuur Warsame ayaa War kasoo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka, iyagoona baaq u diray Madaxweynaha.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen mas’uuliyiintaan ayaa marka hore waxaa ay ku sheegeen inuu dalka Soomaaliya xilligaan wajahayo khataro waaweyn oo u baahan in lagu xaliyo xikmad, tanaasul, midnimo iyo wadajir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayey ugu baaqeen uu talada dhulka dhigo, oo uu wajaho xaqiiqada taagan maanta, waxaana Shariif, Kheyre iyo CC Shakuur ay hoggaanka dowladda Federaalka ku eedeeyeen inuu ka mashquulay dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen mas’uuliyiinta Warka soo saaray inay walaac ka qabaan dhameystirka Dastuurka oo ay xuseen in aan loo dhameyn, iyagoona intaas kusii daray inay ka walaacsan yihiin xaraashka dhulka oo ay tilmaameen inuu ka socdo magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif, Xasan Kheyre & CC Shakuur oo Digniin u diray Xasan Sheekh
To Top