WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Saraakiil ka tirsan Imaaraadka oo lagu dilay Weerar ka dhacay Muqdisho

Saraakiil ciidan ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta ayaa caawa lagu dhex dilay gudaha Xerada Milateriga Jeneraal Gordon ee Muqdisho, kadib markii uu weerar ku qaaday Askari kamid ah ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Boolis Milataaro.

Askariga ayaa waxaa la sheegay inuu Rasaas mar qura ku furay saraakiisha Imaaraadka oo xilligaasi ku sugnaa Xerada Jeneraal Gordon ee ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, weerarka ayaana dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Ilaa 8 qof oo 4 Sarkaal oo Imaaraad ah ku jiraan ayaa la sheegay in lagu dhaawacay weerarka uu geystay askariga, waxaana jira warar sheegaya in ay dhinteen qaar ka mida saraakiisha Imaaraadka Carabta.

Askariga ka tirsanaa ciidanka Boolis Milataaro ee falkaan geystay ayaa isna toogasho lagu dilay, dhaawacyada saraakiisha iyo Askarta ayaa durbadii loola cararay Isbitaalka Digfeer, si loogu daaweeyo.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Xoogga Dalka iyo Hay’adaha Amniga dalka oo ku saabsan weerarka Caawa ka dhacay Xerada Jeneraal Gordon, waxaana mas’uuliyada weerarkaasi sheegatay Al-Shabaab.

DEG DEG: Saraakiil ka tirsan Imaaraadka oo lagu dilay Weerar ka dhacay Muqdisho
To Top