WARARKA SOOMAALI

Akhriso: Qodobada looga hadlayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo u dhexeeya Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada dalka ayaa goor dhow ka furmay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo uu daah-furay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga iyo arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Madaxda ka qeyb galeysa shirka ayaa waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ku-xigeenkiisa, Madaxda maamulada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo ubbaland, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ayaa ka arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar dargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed iyo dhameystirka dastuurka dalka.

Shirka ayaa waxaa ka maqan oo qaadacay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shirarkii ugu danbeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran aan kasoo qeyb gelin, iyagoona Maamulkaasi dhawaan shaaca ka qaaday inay kalsoonidii kala noqdeen hay’addaha dowladda Soomaaliya.

Akhriso: Qodobada looga hadlayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka
To Top