WARARKA SOOMAALI

Dil toogasho ah oo markale lagu xukumay Sayid Cali Macalin Daa’uud

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa maanta xukun ka soo saartay kiiska eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ku soo eedeeyay inuu dilay Marxuumad Luul Cabdicasiis oo aheyd xaaskiisa.

Maxkamadda ayaa xukunkeeda asbaab ugu dhigtay doodda dhinacyada iyo caddeymaha ay soo bandhigeen, warbixinta ay bixiyeen qaar kamid ah dadkii gargaarka u fidiyay Marxuumadda iyo dhaqaatiirtii daaweysay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Md Said Ali Mohamed oo akhrinayay Xukunka ayaa ku dhawaaqay in ay Maxkamaddu ayyiday xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir, isla markaana ku heshay eedeysanaha eedda lagu soo eedeeyay kuna xukuntay Dil Toogasho ah.

Xukunkan maxkamadda Racfaanka ku riday Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu ka dambeeyay geerida xaaskiisa ayaa mar kale heesta racfaan uu u qaadan karo maxkamadda Sare ee dalka, taa oo leh go’aanka ugu dambeeya ee kiiskan.

Ehelada Luul Cabdicasiis oo goobjoog ka ahaa maxkamadda ayaana si weyn usoo dhaweeyay xukunka dilka ah ay maxkamadda ku riday Sayid-cali, waxa ayna sheegeen in si caddaalad ah xukun u dhacay.

Dil toogasho ah oo markale lagu xukumay Sayid Cali Macalin Daa’uud
To Top