WARARKA SOOMAALI

Daawo:Ra,iisul wasaare Khayre oo arrin Dad badan ku farxeen maanta ka sameeyey Duleedka Muqdisho iyo Barakacayaal-Video

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaalia Xasan Cali Kheyre iyo masuuliyiin katirsan Dowlada ayaa maanta booqday xeryo barakac oo kuyaala Deegaanka Garasbaaley oo katirsan Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Booqashada Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ku tagay xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ayaa aheed mid uu ugu kuur galayay xaalada nololeed ee dadka kasoo barakacay abaarta ku dhufatay gobolada dalka.

Ra’isul Wasaaraha ayaa indho indheyn ku sameeyay dadka barakacayaasha ah ,waxa uuna xerada kula kulmay si gaar ahna ula sheekeestay qaar kamid ah dadka barakacayaasha oo ka muuqatay daruuf aad u xoogan .

HALKAN KA RIIX DAAWO VIDEO

Xasan Cali Kheyre oo kormeerka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka ku jira xeryaha ay heesato dhibatao xoogan , waxa uuna tilmaamay in umadda Soomaaliyeed aan iyada la isu dhaamin sidaas darteedna ay tahay in ay is caawiyaan oo aysan dad kale wax ka sugin.

“Laguma noolaan karo baryo aadane iyo in aan dad kale wax ka sugnaa, sidaas daraadeed waxaa muhiim ah in qofkasta oo Soomaaliyeed uu xoolihiisa uu wax ka bixiyaa ” Ayuu yiri Ra’isul Wasaare Kheyre.

Dadka barakacayaasha ah uu maanta booqday Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa loo qeybiyay deeq raashin ah oo isugu jirta bur, bariis, sokor, Caano iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah noloshada aadahana.

 

SOMALI NEWS

To Top