Home » April 30th, 2018 Entries posted on “April, 2018”

Daawo:-Maxamed Mursal oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Khudbadda-Video

Xildhiban Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Soomaaliya. Maxamed Mursal, oo ahaa waasiirkii gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, oo uu iska casilay toddobaadkii tagey, ayaa ka adkaaday musharaxiin dhowr ah oo xilkaas kula tartameysay. Wuxuu wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Ibraahim isaaq Yarow. Maxamed Mursal ayaa wareeggii […]

April 30th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

DEG DEG:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la doortay,yaa ku guuleystay-Akhriso

Waxaa goordhaw soo dhamaatay wareegii ugu dambeeyay doorashada Gudoomiyaha golaha shacabka, waxaana ku guuleestay doorashada Musharax Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan oo helay 147-cod Musharax Ibraahim Isaaq Yarow oo tartan adag kula jiray Mursal ayaa isna helay 118  waxaana goordhaw Gudoonka golaha Shacabka si rasmi ah ugu dhawaaqeen in Maxamed Mursal ku guuleestay Doorashada. Dad […]

April 30th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

DEG DEG:-Wareegii ugu dambeeyay oo Socda, Labada Musharax ee Hada ku Harmadaya maxaad ka taqaan

Waxaa  bilaabatay Wareega labaad ee doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana wareegan oo ah kii ugu dambeeyay ku tartamaya labada Musharax ee kala ah Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan iyo Ibrahim Isaaq Yarow. Wareegan oo ah kii ugu dambeeyay doorashada ayaa ah mid adag oo xamaasad gaar ah leh, waxaana wali si rasmi ah loo ogeyn halka […]

April 30th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

TOOS U DAAWO:-Doorashadda gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo hadda toos u bilaabmatay-Video

Waxaa goor dhow si rasmi ah u furmay kulanka Baarlamaanka ee lagu dooranayo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo lagu furay aayadaha qur’aanka kariimka. Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/weli Muudey ayaa sheegay in kulanka ay soo xaadireen uu kooramka ku furmay 238 Xildhibaan, isla markaana wixii Xildhibaanada ku soo kordha ee gadaal ka yimaada lagu dari […]

April 30th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Xaaladda adag ee ka taagan Baledweyne iyo Warbaahinta Horufadhi oo warbixin naxdin leh kasoo tabisay-Video

Weli waxaa barakac sameynaya dadka ku nool Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan kadib markii dhammaan Xaafadaha Magaladaas uu ku soo fatahay Wabiga Shabeelle. Badi dadkii ku noolaa Magalada Baladweyne ayaa barakacay.kuwaas oo aaday deegaanka Ceel Jaale ee duleedka Magalada Baladweyne iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan. Xaafadaha Magalada Baladweyne ayaa gebi ahaanba waxaa ka […]

April 30th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-imaaraadka oo ku dhaggan in uu ilaalinayo midnimadda iyo Dal ahaanshaha Soomaaliya,Heshiiska Dekadda Berbera-Video

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeesay Dowlada Qadar in ay ka dambeyso khilaafka kala dhaxeeya Dowlada Soomaaliya, waxa ayna Imaaraadka aaminsan yihiin in Qadar gadaal ka riixeyso Khilaafka labada dal. Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ayaa sheegay in dowlada Qadar ka dambeyso khilaafka xoogan ee xiligan ka dhax aloosan Soomaaliya […]

April 30th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Qaar kamid ah Musharixiinta Gudoomiyaha golaha Shacabka oo la filayo in ay tanaasulaan-Video

Warar goordhaw aan helnay ayaa sheegaya in qaar kamid ah Musharixiinta u taagan xilka Gudomiyaha Golaha Shacabka kahor doorashada iyo marka ay bilaabto kadib ku dhawaaqayaan in ay ka tanaasuleen tartanka. Doorashada waxaa u taagan ilaa 11-Musharax oo kasoo jeeda Beesha digil iyo Mirifle, musharixiinta ayaana isugu jira kuwa saameyn badan leh iyo kuwa magac […]

April 30th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Wararkii ugu dambeeyay ee Doorashadda Gudoonka Baarlamaanka,Maxaa ka jira in ay baaqatay Doorashadda-Video

Qaar ka mid ah warbaahinta soomaalida ayaa waxaa lagu faafinayay in ay dib uga dhacday doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qorshuhu yahay in Isniinta Maanta ah ay dhacdo,waxana arrinkaasi beeniyey guddiga doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir oo ah Madaxda Maaliyadda ee Guddiga doorashada ayaa sheegay in warkaas aan waxba ka jirin,isla […]

April 30th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Ciidamo ka goostay Maamulka Somaliland oo gaadhay Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool-Video

Ciidamo ka tirsanaa Somaliland ayaa maanta ka soo goostay Maamulkaasi Waxayna Ciidamadan ay ku soo biireen Ciidamada Puntland, iyagoo isku soo dhiibay Saraakiisha Puntland ee Jiida ay Labada dhinac isku hor Fadhiyaan. HALKAN KA DAAWO VIDEO Ciidamadan ka soo goostay Somaliland ayaa ahaa Ciidamada Guutada Gacan libaax oo fadhigooda uu ahaa Jiida hore, Saraakiishii hogaaminaysay Ciidamadii […]

April 30th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maanta dhaceysa iyo Xildhibaanada oo saaka ku qul qulaya Xarunta Golaha Shacabka-Akhriso

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ka dhaceysa xarunta Golaha Shacabka, iyadoo Xildhibaanada ay saaka bilaabeen inay u dareeraan xarunta, si ay goor hore oo saaka u bilaabato doorashada. Guddiga Qaban qaabada doorashada ayaa u gudbiyay Xildhibaanada inay soo xaadiraan xarunta Golaha shacabka 10-ka subaxnimo, isla markaana waqtiga […]

April 30th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...