WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Qaar kamid ah Musharixiinta Gudoomiyaha golaha Shacabka oo la filayo in ay tanaasulaan-Video

Warar goordhaw aan helnay ayaa sheegaya in qaar kamid ah Musharixiinta u taagan xilka Gudomiyaha Golaha Shacabka kahor doorashada iyo marka ay bilaabto kadib ku dhawaaqayaan in ay ka tanaasuleen tartanka.

Doorashada waxaa u taagan ilaa 11-Musharax oo kasoo jeeda Beesha digil iyo Mirifle, musharixiinta ayaana isugu jira kuwa saameyn badan leh iyo kuwa magac u yaal ah oo kaliya doonaya in diiwaan u galaan in doorashada ka qeyb galeen.

Musharaxiina qorsheenaya on ay tanaasulaan ayaa ku fashilmay in codka kalsoonida ka helaan Xildhibaanada saaxiibadood ah, waxa ayna qaarkood go’aansadeen in doorashada ka haraan si aysan codad aad u yar u helin ceebna aysan ku noqon.

Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa ugu cad cad ilaa sadex musharax kuwaa oo midkood doorashada kusoo bixi doono, waxaana saakay ololihii ugu dambeeyay ka socdaan Xarunta golaha shacabka iyo qaar kamid ah Hoteelada Muqdisho.

Doorashada ayaana laga cabsi qabaa in dhoor wareeg noqoto hadii aysan Musharaxiinta qaarkood aysan tanaasul sameyn, waxaana doorashada maanta korjoogto ka noqon doonin beesha caalamka iyo Ururada bylshada.

Waxii Warar ah ee doorashada kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Indha Allah

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top