WARARKA SOOMAALI

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maanta dhaceysa iyo Xildhibaanada oo saaka ku qul qulaya Xarunta Golaha Shacabka-Akhriso

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ka dhaceysa xarunta Golaha Shacabka, iyadoo Xildhibaanada ay saaka bilaabeen inay u dareeraan xarunta, si ay goor hore oo saaka u bilaabato doorashada.

Guddiga Qaban qaabada doorashada ayaa u gudbiyay Xildhibaanada inay soo xaadiraan xarunta Golaha shacabka 10-ka subaxnimo, isla markaana waqtiga la ilaaliyo.

Ammaanka xarunta Golaha shacabka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo sanaadiiqdii cododka lagu ridi lahaa la diyaariyay.

Waxaa la filayaa in doorashada ay goobjoog ka noqdaan Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, waxaana la rajeynayaa in doorashada u dhacdo qaab daah furan, iyadoo telefishinada si toos looga daawan doono.

Musharaxiinta u tartamaya Doorashada ayaa saacadihii la soo dhaafay ku guda jiray ololahooda u dambeeyay ee kasbashada Xildhibaanada, waxaana xalay magaalada aheyd mid aan laga seexan, oo Musharaxiinta ay wadeen qaabilaada Xildhibaanada.

Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn maanta yeelan doona Guddoomiye labaad muddo labo sano gudahood, kaddib markii uu is casilay Guddoomiyihii hore ee golahaas Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo sanadkii hore loo doortay xilkan, isla markaana soo ahaa Guddoomiye Baarlamaankii 9aad.

Hadaba 11 Musharax ee ku tartamaya doorashada ayaa halkan idinku soo gudbineynaa:-

1- Xil. Shariif Sheekhuna Maye
2- Xil. Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman
3- Xil. Sharif Mohamed Abdalla Hussein
4- Xil. Mohamud Moalim Yahya
5- Xil. Iman Abdullahi Ali

6- Xil.Ibrahim Issac Yarow
7- Xil.Ali Sheikh Mohamed Nur
8- Xil.Prof. Salim Alio Ibro
9- Xil.Abdiaziz Hassan Mohamed
10- Xil.Sheikh Aden Mohamed Nur
11- Xil.Idiris Abdi Taktar

SOMALI NEWS

To Top