WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xaaladda adag ee ka taagan Baledweyne iyo Warbaahinta Horufadhi oo warbixin naxdin leh kasoo tabisay-Video

Weli waxaa barakac sameynaya dadka ku nool Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan kadib markii dhammaan Xaafadaha Magaladaas uu ku soo fatahay Wabiga Shabeelle.

Badi dadkii ku noolaa Magalada Baladweyne ayaa barakacay.kuwaas oo aaday deegaanka Ceel Jaale ee duleedka Magalada Baladweyne iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Xaafadaha Magalada Baladweyne ayaa gebi ahaanba waxaa ka barakacay dadkii deganaa si uusan saameyn ugu yeelan fatahaada Wabiga Shabeelle uu sameeyey,waxana jirtay in lix ruux oo isku qoys ah ay geeriyooden kadib markii gaari ay saarnaayeen uu la dumay Boosaneer.

Xaalada Baladweyne ayaa Maalinba maalinta ka dambeysa waxa ay tahay mid ka sii dareysa,waxana ka maqan Magalada Korontadii halka Goobihii ganacsi gebi ahaanba la xiray.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale dadkii ka barakacay Baladweyne ayaa haatan waxaa la soo sheegayaa in ay dhibaatooyin kala duwan ku heystaan daafaha Magalada kuwaas oo aan heysan Cunto Biyo iyo waliba hooygii ay seexan lahaayeen.

Shalay Magalada Dhuusamareeb waxaa tagtay diyaarad siday gargaar,kaas oo dhinaca dhulka ah loo marisiin doono maadaama Garoonkii Baladweyne uu xirmay.

Madaxda Maamulka Hir-Shabelle iyo Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa dhammaantood ku mideysan in wax loo qabto dadkii ka barakacay fatahaada ee Magalada Baladweyne.

SOMALI NEWS

To Top