Home » March 31st, 2020 Entries posted on “March, 2020”

Faahfaahin:-Maryan Maxamuud Axmed oo caawa lagu toogtay Muqdisho.

Muqdisho (HM)-Koox bastoolado ku hubeysan ayaa caawa haweeney waxay ku dileen qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Haweeneyda oo magaceeda lagu sheegay Maryan Max’uud Axmed ayey wararka qaarkood sheegayaan iney ka tirsaneyd ururada haweenka ee gobolka Benaadir. Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo War qoraal soo dhigtay barteeda Facebook ayay tacsi […]

March 31st, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Soomaaliya:-Kooxda Al-shabaab oo meel fagaare ah ku toogatay rag ay ku eedeysay jaajuusnimo-Video

Muqdisho (HM)-Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa maanta fagaare ku yaala magaaladda Bu’aalle ee gobolka Jubada Dhexe waxay ku toogatay lix rag ah oo ay ku eedeysay jaajuusnimo. Warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa baahisay in shaqsiyaadkaas lagu eedeeyay in ay la shaqeynayeen sirdoonka “dowlado shisheeye”. Wadamada la wariyey in ay u basaasayeen […]

March 31st, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Diyaarada Itoobiya ee tagta Hargeysa-Video

Muqdisho (HM)-Wasiirka Duulista iyo Hawada  Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa markii ugu horeysay waxaa uu si faahfaahsan uga  hadlay sababta ay diyaaradda Ethiopian Airlines ugu hoggaansami la’dahay go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku joojisay duullimaadyadii caalamiga ahaa ee imaan jiray dalka. Wasiirka ayaa qiray in diyaaradaasi ay si joogto ah uga degto magaalada Hargeysa ee […]

March 31st, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Deg Deg:-Soomaliland oo xaqiijisay kiisaskii ugu horeeyay ee cudurka Coronovirus-Video

Laascaanood (HM)-Maamulka  Somaliland ayaa shaaciyay markii ugu horeysay in dad qaba cudurka Coronovirus laga helay deegaano kamid ah Somaliland. Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in markii baaritaano lagu sameeyay dad hore looga shakiyay in labo ka mid ah laga helay Corona Virus. Labadan ruux ee laga helay cudurka ayaa la sheegay in mid kamid ah […]

March 31st, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Puntland oo Qaadkii ugu badnaa Boosaaso ku gubtay iyo wararkii ugu dambeeyay-Sawiro

Boosaaso (HM)-Maamulka Puntland ee gobolka Bari ayaa magaalada Boosaaso xalay ku gubay Qaad fara badan oo si sharci darro ah loo soo geliyay magaaladaas. Puntland ayaa joojisay qaadkii uga iman jiray dalalka deriska si looga hortago faafida cudurka Coronavirus ee ku sii faafaya dalalka deriska la ah Somalia iyo kuwa caalamka. Sida ay sheegeen Saraakiisha […]

March 31st, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyey sababta ay Soomaaliya ugu nugushahay cudurka Coronavirus.

Muqdisho (HM)-Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu qiray aragtida sheegeysa in Soomaaliya ay kamid tahay wadamada u nugul fayruska dunida jilbaha dhulka u dhigay ee Corona. Isagoo ka hadlayey shir deg-deg ah oo hogaamiyeyaasha urur goboleedka IGAD ku yeesheen dhinaca online-ka, Farmaajo ayaa wadamada ku booriyey in si wadajir ah oo iskaashi ah ula dagaalamaan […]

March 31st, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Aas Qaran oo maanta loo sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Nugaal ee Qaraxa lagu dilay-Video

Garoowe (HM)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay, Aas Qaran oo maanta loo sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal AHUN Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) oo xalay lagu dilay Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Garoowe. Ka qeybgalka Aaska Qaran waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada maamulka Puntland  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawil, Guddoomiye Ku-Xigeenka Koowaad […]

March 30th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo amartay in albaabada la iskugu dhufto Masaajidada iyo Malcaamadaha Qur’aanka-Video

Muqdisho (HM) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa amartay la xiro goobaha barashada diinta, dugsiyada iyo mowlacyada, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus ee dunida dhibaatada ku haya. Go’aankan ayaa waxaa lagu gaaray kulan ay maanta isugu yimaadeen Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo culimada, waxaana dadweynaha lagula taliyay in guryahooda ay ku cibaadaystaan, […]

March 30th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Xaalad adag oo soo food saartay Gobolka & Madaxda IGAD oo yeeshay shir noociisu cusub yahay.

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa  kala qeyb galay Madaxda dalalka IGAD shir deg-deg ah oo ay kaga arrinsanyeen khatarta cudurka Koroona ayaa ka warbixiyey dadaallada mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu istaageen ka hortagga cudurkan. Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku xiriireen dhanka Muuqaalka Internetka ah (Video-Conference) ayaa Madaxweynaha waxa […]

March 30th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Puntland Deni oo shaaciyey xog ku saabsan Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Garoowe-Video

Garoowe (HM) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey qarixii ismiidaamiinta ee ay xalay Al-Shabaab ka fulisay gudaha magaalada Garoowe ayaa shaaciyey xog ku aadan weerarkaasi. Deni ayaa marka hore tacsi u diray ehellada maruuxm Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’jir) oo ahaan guddoomiyihii gobolka Nugaal oo ku geeriyoodey qaraxaasi. Sidoo kale wuxuu mas’uuliyadda qaraxaan […]

March 30th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Cagey: Tirada baarlamaanka guriga hoose waxa la yidhi waa 275 xildhibaan Manama waxa soo xaadiray oo la leeyahay...
  • Cagey: Puntland ma sida jeegaanta ayay iclaamisay goon’isutsaag waa maxay duulimaadyada caalamiga ah ee ay leedahay...