WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo amartay in albaabada la iskugu dhufto Masaajidada iyo Malcaamadaha Qur’aanka-Video

Muqdisho (HM) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa amartay la xiro goobaha barashada diinta, dugsiyada iyo mowlacyada, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus ee dunida dhibaatada ku haya.

Go’aankan ayaa waxaa lagu gaaray kulan ay maanta isugu yimaadeen Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo culimada, waxaana dadweynaha lagula taliyay in guryahooda ay ku cibaadaystaan, si looga taxaddaro faafitaanka Coronavirus.

HALKAN KA DAAWO

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri “Sida aad lawada socotaan waxaa Dunida halis badan ku haya caabuqa Coronavirus (Covid19) oo si xowli ah maalinba ugu faafaya waddamo cusub, sidaas datreed, waxaa ay wasaaradda soo saartay:

“Laga billaabo maalinta berri oo ah Talaado 31/03/2020 waxaan si’ rasmi ah u xirnay dugsiyada barashada qur’aanka iyo xarumaha barashada diinta muddo laba todobaad ah, maadaama caruurtu ay yihiin kuwa ugu nugul qaadidda caabuqa covid19.”

Valueimpression Placeholder

Dawladda Soomaalya waxay horey u amartay in la xiro iskuullada iyo jaamacadaha, sidoo kale waxay dawladdu joojisay duulimaadyadii gudaha iyo dibedda.

Dhinaca kale hay’adda caafimaadka adduunka xafiiskeeda Soomaaliya ayaa idaacadda VOA Somali u sheegtay in ilaa haatan shaybaarka lagu xaqiijiyey saddex kiis oo ah cudurka Coronavirus Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top