WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Aas Qaran oo maanta loo sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Nugaal ee Qaraxa lagu dilay-Video

Garoowe (HM)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay, Aas Qaran oo maanta loo sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal AHUN Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) oo xalay lagu dilay Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Garoowe.

Ka qeybgalka Aaska Qaran waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada maamulka Puntland  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawil, Guddoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada maamulka Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Soomaaliya oo uu ka midyahay Madaxweynihii hore ee Puntland  Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynihii hore ee Puntland Abdiweli Maxamed Cali Gaas, Xubnaha Goleyaasha maamulka Puntland, Maamulka Degmada, Saraakiisha Laamaha Amniga, Hogaanka Dhaqanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Aaska kula kulmay Xubno ka mid ah Qoyskii AHUN Guddoomiye Cabdisalaan Gujir, Kuwaasi oo uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

sawiro

SOMALI NEWS

To Top