WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Soomaliland oo xaqiijisay kiisaskii ugu horeeyay ee cudurka Coronovirus-Video

Laascaanood (HM)-Maamulka  Somaliland ayaa shaaciyay markii ugu horeysay in dad qaba cudurka Coronovirus laga helay deegaano kamid ah Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in markii baaritaano lagu sameeyay dad hore looga shakiyay in labo ka mid ah laga helay Corona Virus.

Labadan ruux ee laga helay cudurka ayaa la sheegay in mid kamid ah uu ka soo jeedo dalka Shiinaha uuna ku sugan yahay magaalada Berbera.

Qofka kale ayaa la sheegay inuu joogo magaalada Burco uuna ka soo laabtay dalka UK dhowaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hase yeeshee, Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in labada ruux ay Xaaladood Caafimaad wanaagsan tahay.

Tiradan ayaa ka dhigeysa in 5 ruux oo qaba cudurka Coronaviraska laga helay dalka Soomaaliya iyadoo saddex ruux hore loogaga helay cudurka

SOMALI NEWS

To Top