WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Diyaarada Itoobiya ee tagta Hargeysa-Video

Muqdisho (HM)-Wasiirka Duulista iyo Hawada  Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa markii ugu horeysay waxaa uu si faahfaahsan uga  hadlay sababta ay diyaaradda Ethiopian Airlines ugu hoggaansami la’dahay go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku joojisay duullimaadyadii caalamiga ahaa ee imaan jiray dalka.

Wasiirka ayaa qiray in diyaaradaasi ay si joogto ah uga degto magaalada Hargeysa ee ee xarunta Somaliland, isla markaana duullimaadkeeda la iskaga daayey sababo jira, in kastoo sababahaas uusan si qota dheer uga hadlin Wasiir oomaar hadana wuxuu yidhi.

“Ogolaansho aan siinay diyaaradaas ma jirto, ku meel gaar ama fasax caadi ah toona, waxayna hadda ka degtaa Hargeysa, balse waxay keentaa dad Soomaaliyeed, sida aad ogtihiina qofkii ka yimaada dalka dibadiisa 14 maalin oo karaantiil ah ayaa la geliyaa, marka safarada diyaaradaas waa xaalad gooni ah,” ayuu yiri wasiirka duulista hawada Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO WARKA OO DHAN 

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in markii laga reebo Ethiopian Airlines ay diyaaradaha kale fasax ka qaataan dowladda Soomaaliya, si ay uga degaan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

“Waxaa jira diyaarado kale oo sida dawooyin iyo qalab caafimaad oo anaga fasax naga heysta, kuwaas oo ka dega magaalada Hargeysa. Hadda waxaa Hargeysa ka degaya diyaarad daawo sida oo aan anagu fasaxnay, sidaas ayaana u fasaxnaa diyaaradaha gargaarka sida ee ka degaya Hargeysa, ileen waa lagama marmaan’e,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiir Oomaar.

Dhinaca kale wasiir Oomaar ayaa dadka xuduudaha kasoo gelaya Soomaaliya oo dhan ka dalbaday in ay joogaan goobahooda oo aysan dalka soo gelin inta ay taagan tahay khatarta cudurka Coronavirus.

 

SOMALI NEWS

To Top