WARARKA SOOMAALI

Puntland Deni oo shaaciyey xog ku saabsan Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Garoowe-Video

Garoowe (HM) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey qarixii ismiidaamiinta ee ay xalay Al-Shabaab ka fulisay gudaha magaalada Garoowe ayaa shaaciyey xog ku aadan weerarkaasi.

Deni ayaa marka hore tacsi u diray ehellada maruuxm Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’jir) oo ahaan guddoomiyihii gobolka Nugaal oo ku geeriyoodey qaraxaasi.

Sidoo kale wuxuu mas’uuliyadda qaraxaan ku eedeeyey inay ka dambeeyeen dad uu sheegay inay ka soo horjeedaan horumarka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Deni ayaa intaasi ku daray in Puntland ay ka war heysay xogta qarxaasi, balse uu dhacay, xilli ay ku raad-joogeen laamaha amniga ee maamulkaasi.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay inay ka maamul ahaan ka go’an tahay ciribtirka nooc-kasta oo ah waxa loogu yeero argagixisada.

Puntland ayaa dagaal kula jirta kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, kuwaas oo weeraro ka fuliya deegaana kale ee maamulkaasi.

SOMALI NEWS

To Top