WARARKA SOOMAALI

Cudurka Caronavirus oo kusii faafaya Dalka Kenya iyo Kiisas hor leh oo maanta la helay.

Muqdisho (HM)-Dowlada Kenya ayaa shaacisay in cudurka Caronavirus uu kusii faafayo gudaha dalkaasi,  waxaana maanta wasaarada caafimaadka xaqiijisay kiisas hor leh oo ku aadan dad cusub uu ku dhacay cudurkaasi.

Wasiirka caafimaadka ee dalka Kenya,Mutahi Kagwe ayaa xaqiijiyay in sideed qof oo horleh uu ku dhacay cudurka Caraonavirus xili dowlada qaaday talaabooyin ay uga hortageyso in cudurkaasi faafo.

Waxa uu sheegay wasiirka in cudurka Caronavirus in uu hada kusii faafayo gobolada dalka kenya, waxa uuna ugu baaqay bulshada Kenya in ay sameeyaan taxadar sidoo kale qaataan talooyinka caafimaad ee lasiinayo.

Dowlada Kenya ayaa ilaa hada xaqiijisay in gudaha dalkaasi laga helay 50-kiis oo cudurka Caronavirus ah, waxaana laga cabsi qabaa in cudurkaasi sii faafo magaalooyinka kala duwan dalkaasi xili dowlada ay dadka ku amartay in guryahooda joogaan.

 

SOMALI NEWS

To Top