WARARKA SOOMAALI

Yamamoton oo hal arrin uga baaqday kulanka Farmaajo iyo Beesha Caalamka

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa gaaray Wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo oo Maanta halkaas kulan xasaasi ah kula qaadan doona Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaai Farmaajo.

Kulanka ayaa waxaa uu yahay mid looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashada ka dhacaya Soomaaliya iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka ka taagan doorashada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wakiikada Beesha Caalamka ee loo yaqaano C6+ ay Madaxweyne Farmaajo u gudbin doonaan farriimo ay sidaan iyo arrimo la xiriira maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Safiirka Mareykanka Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto ayaa qeyb ka aheyd kulanka ay yeelanayaan Madaxweynaha iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo haatan ku sugan Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Sababta uu uga qeyb geli waayay Yamamoto kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in Diblomaasiyiinta Mareykanka aan loo ogoleen inay ka baxaan xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Safiir Donald Yamamoto ayaa waxaa uu horay Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Xarunta Safaaradda Mareykanka ugu qaabilay Madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Musharaxiinta Madaxweynaha

SOMALI NEWS

To Top