WARARKA SOOMAALI

Banaanbax ballaaran oo lagu taagerayay Go’aankii MW Farmaajo oo dhacay

Waxaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ka dhacay Banaanbax lagu taageerayo Go’aankii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku saxiixay 13-ka ee Gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka Sare.

Dadweyne badan oo isugu jira shacab iyo Mas’uuliyiin ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada Jowhar, iyagoona ahaa kwuo aad u taageerayay Go’aanka lagu saxiixay 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiinta ka qeyb galay banaanbaxa ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle Axmed Meyre Makaraan, Xildhibaano, xubno kale oo ka tirsan Maamulka iyo qeybaha kala duwan.

Qaar kamid dadka ka qeyb galaya banaanbaxa socda ayaa Madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyay Go’aan uu qaatay ee lagu saxiixay 13-ka kursi ee Gobolka, iyagoona sheegay inay aad uga fasaxsan yihiin tallaabadaas.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo shalay Qoraal soo saaray ayuu ku taageeray Go’aanka kuraasta Gobolka, una mahadceliyay Madaxweynaha dowladda Farmaajo iyo Xildhibaanadii ansixiyay.

SOMALI NEWS

To Top