WARARKA SOOMAALI

Ciidamo kasoo goostay Wasiir C/rashiid Janan oo isku dhiibay Dowladda

Sida ay sheegayaan warar hor leh oo ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in sideed askari kasoo goostay Ciidamada Wasiir Cabdirashiid Janan kuna biiray dhanka dowladda Federaalka.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Magaalada Beled-xaawo ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in askarta isi soo dhibtay ay yahiin Ciidamadii uu soo dagaal galiyay Janan, isla markaana weerarka kusoo qaaday Magaalada isbuucii hore.

Saraakiisha la hadlay warbaahinta waxaa ay sheegeen iney ku biiri doonaan askartii horay isku soo dhiibay, sidoo kalana la qarameyn doono, loona fidinayo cafis.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashid Janan ayaa sheegay iney weerari doonaan mar kale magaalada Beled Xaawo ee dhacda xadka Kenya iyo Soomaaliya iyadoo la xasuusto in dagaal khasaare badan dhaliyay uu halkaas ka dhacay Isniintii aynu soo dhaafnay.

Si kastaba magaalada dagaalka ka dhacay magaalada Beled Xaawo waxey dowladda Soomaaliya ku eedeysay iney qeyb ka tahay Kenya, balse dalka dariska ah wey beeniyeen iyagoo sheegay inuu dagaalka yahay mid laba Soomaali ah u dhaxeeya.

SOMALI NEWS

To Top