WARARKA SOOMAALI

Yaab sabab u ah dib u dhac ku yimid qabashada Doorashada Aqalka Sare?

Guddiga Doorashada heer Federaal ee lagu mursansan yahay ayaa shaaciyay Maanta inuu dib u dhac ku yimid Jadwalkii Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare oo maalmo kahor si Deg-deg usoo saareen.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in isbedelka ku yimid Jadwalka uu ku saleysan yahay Codsi Guddiga uga yimid Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in dib loo dhigo waqtiga Doorashada.

Sidoo kale Guddiga ayaa tilmaamay in muddo uu Codsaday Madaxweyne Qoorqoor uu Guddiga dhammeystirayo hawlaha qabyada ah ee dhanka qabashda Codsiyada Murashixiinta iyo diyaarinta agabyada iyo deegaanka ay ku shaqeynayaan Guddiyada.

Ugu dambeyn Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashada ayaa u mahadceliyay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ee tixgelinta ay siiyeen Codsiga Madaxweynaha Galmudug.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddiga Doorashada ee heer Federaal.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer federaal (GHDHF) wuxuu daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ku wargelinayaa in isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.

Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021.

Isbaddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.

Muddadaas waxaa lagu dhammeystirayaa hawlaha qabyada ah ee dhanka qabashda codsiyada murashixiinta iyo diyaarinta agabyada iyo deegaanka ay ku shaqeynayaan Guddiyada Maamulaya Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada tixgelinta ay siiyeen codsiga Madaxweynaha Galmudug

SOMALI NEWS

To Top