WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Dib u dhac ku yimid Shirkii Machadka Hiratage ee Garoowe

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta oo tallaado ah waxaa lagu waday inuu ka furmo Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid.

Agaasimaha Machadka Hirata Cabdirashiid Xaashi ayaa shaaciyay dib u dhaca ku yimid Shirka oo gelinka dambe ee Maanta la filayay inuu furmo, wuxuuna sababta ku sheegay inay tahay in Xaruntii loogu tala-galay in lagu qabto Shirka ay qaadi weyday Madaxda lagu casuumay shirkaas.

Agaasimaha oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu soo jeediyay in Xarunta markii horey lagu qaban lahaa Shirkaas laga wareejiyo, isla markaana waxaa loo wareejiyay Xarunta Jaamacadda PUS ee Garoowe.

Sidoo kale Agaasime Cabdirashiid Xaashi ayaa tilmaamay in maalinta berri oo Arbaco ah uu furmi doono Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage, waxaana ka qeyb geli doona dad ka badan 500 oo qof, kuwaasi oo lagu casuumay Shirka.

Ajandaha shirka sanadkan ayaa waxaa uu yahay mid diiradda lagu saari doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya, kaasi oo markii horreeyay lagu qabanayo dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, Musharaxiinta Madaxweynaha, qaar kamid Maamulada dalka, Xildhibaano, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo aad u badan ayaa ka qeyb galaya Shirka Madasha Machadka Hiratage, kuwaasi oo ku sugan Magaalada Garoowe.

SOMALI NEWS

To Top