WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo Xil muhiim u mgacaabay Wariye siweyn loo yaqaano

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu goordhoweyd Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa kamid ahaa bahda warbaahinta dalka, gaar ahaan waxa uu ka tirsanaan jiray idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, isla markaan Wakiil wareed uga ahaa Magaalada Muqdisho.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu u magacaabay  Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Xilkan ayaa noqonayaa mid cusub, iyada oo ay xusid mudan tahay inuusan jirin xukuumaddii Xasan Cali Kheyre oo la bilaabatay muddo xileedka madaxweynaha hadda talada haya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Rooble ayaa Maanta Maxamed Ibraahim Nuur u magacaabay inuu nqodo Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiskiisa, isla markaana waxaa uu bedelayaa Cabdirisaaq Caato.

SOMALI NEWS

To Top