WARARKA SOOMAALI

DAAWO SAWIRRO:-Sheekh Shariif oo siweyn loogu soo dhaweeyay Garoowe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Sheekh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimaddda Maamulka Puntland.

Sheekh Shariif ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Musharaxiinta iyo xubno kale, waxaana Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Musharax Madaxweyne Shariif ayaa ka mid ah Mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa shirka Madasha Aragti-Wadaagga ee Machadka Heritage oo gelinka dambe ee maanta ka furmaya Magaalada Garowe.

Shirka Madasha Aragti-Wadaagga oo lagu waday inuu furmo saaka subixii ayaa dib loogu dhigay imaanshaha Madaxweynihii hore Shariif oo duhurnimadii Maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Garoowe ayaa waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Guddooomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, Xildhibaano, Wasiiro, Musharaxiinta Madaxweynaha, siyaasiyiin,  qaar kamid Madaxda maamul Goboleedyada iyo Mas’uuliyiin kale oo badan.

SOMALI NEWS

To Top