WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Mas’uul Cusub magacaabay xilkana ka qaaday…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xoghayaha joogtada ee Xafiiskiisa waxaa uu maanta u Magacaabay, Dr. Maxamed Ibraahim Nuur, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa.

Xilka Xoghayaha joogtada ee Xafiiskiisa Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa si kumeel gar ah u haayay Cabdirisaaq Caato oo mar xilkaas loo Magacaabay hadana laga qaaday, markii dacwad laga gudbiyay, hayeeshee hadda si KMG ah uu xilkaasi u hayay.

Xogaha la helay ayaa waxaa ay shegayaan in Xoghayaha Joogtada cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Ibraahim La Taliye u ahaa Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen.

Ra’iisal wasaare Roooble ayaa kula dardaarmay xoghayaha cusub ee joogtada xafiiska Ra’iisalwasaaraha Mr. Nuur inuu dardar geliyo shaqada loo idmaday ee Xafiiska.

SOMALI NEWS

To Top